
Farmaajo oo Masar uga qeyb gelaya Shir looga hadlayo arimaha Dalka Sudan
Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo uu maanta uga qeyb galayo shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Sudan.
"Masar ayaa shirka marti gelineysa, sida ogtahay Masar waa dal deris la ah Sudan, Madaxweynaheeda dalka Masar yaa shir Gudoomin doona waana Guddoomiyaha Midowga Afrika, shirka waxaa looga hadlayaa xaalada Sudan”.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi , ayaa waxaa uu shirkasi ku casuumay dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, Chad, Rwanda iyo Koofur Afrika.
11-kii bishan ayaa dalka Sudan waxaa ka dhacay afgambi milateri oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayay muddo 30 sano ah, waxaana dibad baxyo bilihii la soo dhaafay oo ka dhacay dalkaas uu soo afjaray xukunkii dheeraa ee Madaxweyne Al-Bashiir.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shir madaxeed kooban uu Madaxweynuhu ka qeyb galayo, waxaa uu xusay in shirkaan isugu imaanayaan dalalka deriska la ah dalka Sudan.