Tuesday, May 21, 2019

Maali oo R/wasaare cusub yeelatay

0
Tuesday April 23, 2019 - 08:58:23 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maali oo R/wasaare cusub yeelatay

    Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise u magacaabay Ra'isul-wasaaraha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise u magacaabay Ra'isul-wasaaraha dalkaasi.


Magacaabistan ayaa timid, maalmo kadib, markii ay is-casileen Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Sumeylo Buubeye Mayga iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan Maleeshiyo Beeleedyo Xoolo-dhaqato iyo Beeralay oo ku nool Waqooyiga dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay ee Maarso, iska horimaad dhex maray Beelahaasi waxaa lagu dilay 160 qof oo ka soo jeeda Xoolo-dhaqatada Beesha Fulaani.

Dhinaca kale, weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay Axaddii la soo dhaafay, kadib, markii dabley aan la aqoonsanin beegsadeen Saldhig Milliteri, oo ay ku dileen 11-Askari, kuna gubeen Xeradaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.