Tuesday, June 25, 2019

Bajaajleyda Muqdisho oo fariin adag loo diray

0
Monday April 15, 2019 - 14:22:49 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bajaajleyda Muqdisho oo fariin adag loo diray

    Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha dalka ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha dalka ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda.


Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.



Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.

Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka.

Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.