Thursday, April 25, 2019

Banaan baxayaal Muqdisho lagu Maxkamadeynayo

0
Monday April 15, 2019 - 11:24:20 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan baxayaal Muqdisho lagu Maxkamadeynayo

    Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirk ay yeesheen guddiga Amniga ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirk ay yeesheen guddiga Amniga ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.


Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii maalin ka hor dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono.

Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.