Thursday, April 25, 2019

Magaalada hargeysa oo lagu oogay salaad roob doon ah

0
Sunday April 14, 2019 - 12:32:37 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada hargeysa oo lagu oogay salaad roob doon ah

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaad Roob-doon ah oo maanta oo Axad ah laga oogay dhammaanba geyiga Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaad Roob-doon ah oo maanta oo Axad ah laga oogay dhammaanba geyiga Somaliland.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa salaadda roob-doonta kala qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku tukaday Masjid-jaamaca magaalada Hargeysa, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay isku tashadaan, awoodda Eebbena ku kalsoonaadaan, ducadana badsadaan.


Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu wada-qabsadaan sidii uga qayb-qaadan lahaayeen qorshayaasha waqtiyada abaaraha dadka iyo duunyaduba ku badbaadi karaan, qalbigooda iyo niyaddoodana saafi ka dhigaan.

Ugu dambayntii waxa uu bulshada Somaliland Eebbe uga baryey inuu abaaraha kasoo furto, cirkana madar Khayr qayba ka siiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay quluubtooda nadiifiyaan oo ay daacad isu noqdaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.