Saturday, May 25, 2019

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay buugga tacsida ee dadkii ku le'day diyaaradda burburtay ee Itoobiya

0
Tuesday March 12, 2019 - 19:16:24 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay buugga tacsida ee dadkii ku le'day diyaaradda burburtay ee Itoobiya

    Iyadoo xushmad loo muujinayo dadkii ku geeriyooday diyaaradda burburtay ee Itoobiya duulimaad nambar ET 302, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo xushmad loo muujinayo dadkii ku geeriyooday diyaaradda burburtay ee Itoobiya duulimaad nambar ET 302, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, waxa uu saxiixay maanta oo Talaado ah buugga tacsida ee laga furay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.


Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr waxa uu tacsi u diray Xukuumadda iyo Shacabka Itoobiya iyo dhammaan 32 dal oo dadkooda ku naf waayay dhacdada murugada leh ee diyaaradda burburtay, isagoo sheegay inuu si dhammeystiran u garab joogo qoysaska dadka ka geeriyooday.

Subaxnimadii Axadda, 10 Maarso, diyaaradda Itoobiya nooca Boeing 737 ayaa burburtay daqiiqado kooban kadib markii ay ka kicitintay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Bole ee Addis Ababa iyadoo ku sii jeedday Nairobi, waxaana ku geeriyooday dhammaan 149 rakaab iyo sideed shaqaale.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.