Tuesday, March 26, 2019

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

0
Tuesday March 12, 2019 - 19:14:49 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

    Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho,waxaana kusoo dhoweeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho,waxaana kusoo dhoweeyay Wasiirka wasaaradda Difaaca iyo Abaanduullaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.


Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga iyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay diyaar u yihiin difaaca qaranka iyo gudashada waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan iyo Taliska ciidanka xoogga dalka ay wadaan diiwan gelinta Ciidanka xoogga dalka oo hadda meel gabogabo ah mareysa.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka howlaha ay dadka iyo dalka u hayaan, wuxuuna sheegay in madaxda qaranka ay ku dadaali doonaan siddii ciidanka xooga dalka ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.