Friday, February 22, 2019

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Mashaariic laga fulinayo deegaanka Gubadleey+Sawirro

0
Thursday January 24, 2019 - 20:04:19 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Mashaariic laga fulinayo deegaanka Gubadleey+Sawirro

    Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaanka Gubadleey, isagoo xariga ka jaray Kawaanka Gowraca ee deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaanka Gubadleey, isagoo xariga ka jaray Kawaanka Gowraca ee deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulkiisu uu xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha bulshada, si loogu adeeggo shacabka, isla markaana deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii loo baahnaa.

Eng. Yarisow ayaa xusay in deegaanku u baahan yahay dib u dhis ballaaran oo dhinac walba si ay ula mid noqoto degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

"Maanta waxaan dhagaxdhignay xarunta Gubadley oo bulshada loogu adeegayo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah”

Duqa Muqdisho oo la hadlayay shacabka deegaanka waxuu kula dardaarmay in maamulka lagala Shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xariga ka jaray Kawaanka deegaanka oo si casri ah loo dhisay, waxuna ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan.

Isha Sonna




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.