Saturday, August 24, 2019

Magacyada Xubno al shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Sh/Hoose oo la shaaciyay

0
Sunday January 13, 2019 - 15:22:39 in Wararka by
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Xubno al shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Sh/Hoose oo la shaaciyay

    Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose. Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo xarakada Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.


Ku dhawaad 85 dagaalamayaal al shabaab ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo xarakada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen sida ay ka dhawaajiyeen laamaha amaanka dowladda somaaaliya.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay shaca ka qaadeen Magacyada al shabaab ka lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Xubnaha al shabaab ee lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo al shabaab u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Monotariya ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Xaash Auu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro xubno ka mid noqonaya xarakada Al-shabaab

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.