Saturday, August 24, 2019

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween ah

0
Sunday January 13, 2019 - 08:36:20 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween ah

    Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Soomaaliya ayaa soo gabagabeesay olole qaliin loogu sameeyay in ka badan 100 Haween ah oo laga qalay Xanuunka isku furanka Hooyada( Obestetric Fistula), oo daawayn iyo daryeel loogu suubiyay o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Soomaaliya ayaa soo gabagabeesay olole qaliin loogu sameeyay in ka badan 100 Haween ah oo laga qalay Xanuunka isku furanka Hooyada( Obestetric Fistula), oo daawayn iyo daryeel loogu suubiyay ololahaan oo ah kii lixaad oo ay wasaaradda Caafimaadka fuliso lagana fuliyo Isbitaalka Dayniile, iyadoo kaashanaysa Hay'adaha UNFPA iyo Physicians Across Continents Pac

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka marwo Dr Fawziya Abiikar Nuur oo Hadal ka jeedisay xaflada xiritaanka ololaha ayaa tiri "Waxaa sharaf weyn noo ah haddaan nahay wasaaradda cafimaadka inaan la dabaal degno islamarkaana aragno Dhoola cadeynta iyo Farxada inka badan 100 Haween Soomaliyeed oo ay maanta u soo laabatay farxadii iyo dhoola cadayntii muddo ka maqneed.waxaana sii wadi doonaa rajo abuurka iyo soo celinta farxada hooyooyinka soomaliyeed ee la il daran xanuunka isku furanka Hooyadaā€¯

Wasiirada Caafimaadka ayaa sidoo kale ku bogaadisay Howlwadeenadii ka soo shaqeeyay barnaamikaan, isla markaana amaan u soo jeedisay dhaqaatiirta iyo Mihnad la-yaasha ka yimid Dalka suudaan sida wanaagsan oo ay u fuliyeen ololahaan qalliimada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.