Saturday, May 25, 2019

Wasiirka gaashaan dhigga UK oo socdaal ku tagey Somaliland

0
Monday January 07, 2019 - 11:28:44 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka gaashaan dhigga UK oo socdaal ku tagey Somaliland

    Waxa magaalada Hargaysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland socdaal aan hore loo sii shaacin ku tagay wasiirka gaashaan dhigga Ingiriiska, Gavin Williamson.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Hargaysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland socdaal aan hore loo sii shaacin ku tagay wasiirka gaashaan dhigga Ingiriiska, Gavin Williamson.

Williamson waxa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayeen wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda.

Shirkaa ay yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Williamson ka dib ayaa af-hayeenka madaxtooyada Somaliland waxa uu soo saaray war saxaafadeed lagu faahfaahinayo arimihii ay ka wada hadleen.

War saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

"Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Gashaandhigga iyo Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Ingiriiska."

Wasiirka gaashaan dhigga Ingiriisku waxa kale oo isaga iyo saraakiil ciidan ah oo la socday ay shir wada galeen dhiggiisa Somaliland, taliyaha milatariga iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.