Thursday, March 21, 2019

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay agaasime waaxeedyada ee Wasaaradda+Sawirro

0
Monday January 07, 2019 - 11:21:23 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay agaasime waaxeedyada ee Wasaaradda+Sawirro

    Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sanadka 2019ka ee hiigsiga Wasaaradda,isla xisaabtanka shaqada iyo su'aalo la iska w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sanadka 2019ka ee hiigsiga Wasaaradda,isla xisaabtanka shaqada iyo su'aalo la iska weydiinayay waxyaabihii u qabsoomay la qaaday agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Kullanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa la-taliyeyaal sare oo ku xeel dheer arrimaha ganacsiga,taasoo looga gol-leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxyaabaha kale ee sida aad ah diirrada loogu saaray kulanka waxaa ka mid ah in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sanadkan xoogga saari doonto suuq geynta wax-soo-saarka dalka iyo taya dhowrka badeecadaha dibada laga keeno.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir " Maareeyeā€¯ ayaa sheegay in wasaaraddu ay u diyaargaroowday kor u qaadista ganacsiga ee sanadkan,islamarkaana la qorsheynayo ruqsooyinka shatiga ganacsiga laga dhigo hab casri ah si Bulshada Soomaaliyeed ugu heli karaan meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan marka ay eegaan awooda shaqaalaha ay wasaaraddu heysato iney ku guuleystaan qabashada howlo badan oo horyaala sanadkan.

Isha Sonna



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.