Wednesday, June 26, 2019

Xukun dil ah oo lagu fuliyay Rag Lagu eedeeyay iney ka tirsanayeen Alshabaab +Sawirro

0
Monday January 07, 2019 - 10:20:38 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun dil ah oo lagu fuliyay Rag Lagu eedeeyay iney ka tirsanayeen Alshabaab +Sawirro

    Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Rag Lagu eedeeyay iney katirsanayeen Alshabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Rag Lagu eedeeyay iney katirsanayeen Alshabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

 

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoonada caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

 

 

"Taariikhdu markey ahayd 3/8/2017,Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay markii saddexaad u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keerow 25-jir ah iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidow 22-jir ah,kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay iney ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab una qaabilsanaayeen fulinta dilalka ay kooxdu qorsheyso,iyagoo si barer ah u dilay Marxuum nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen taariikhdu markey ahayd 2/11/2016,dambigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taariikhdu markey ahayd 22/8/2017,waxayna Labada eedeysane Maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 7/1/2019 lagu fuliyay dilkii toogashada ahaa,” ayuu yiri xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/llaahi.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.


Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay Rag lagu soo eedeeyay iney ka tirsanayeen Alshabaab,waxaana u dambeeyey Nin dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu Sheekh caan ahaa dil u geystay.



 

Isha Sonna



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.