Wednesday, June 26, 2019

Hay'adda Al-mustaqiim oo tacsi u dirtay ehelka samafale cabdi caziiz yuusuf Roorow

0
Sunday January 06, 2019 - 17:59:15 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Al-mustaqiim oo tacsi u dirtay ehelka samafale cabdi caziiz yuusuf Roorow

    Maamulka Hay'adda al-mustaqiim ee uu ugu horeeyo gudoomiyaha hay'adda cabdi xakiin cabaas iimaan iyo agaasimaha hay'adda cabdirashiid cali xassan iyo dhamaan howlwadeenada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Eheladii yo asxaabtii uu ka ge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hay'adda al-mustaqiim ee uu ugu horeeyo gudoomiyaha hay'adda cabdi xakiin cabaas iimaan iyo agaasimaha hay'adda cabdirashiid cali xassan iyo dhamaan howlwadeenada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Eheladii yo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum samafale cabdi caziiz yuusuf roorow oo maalintii sabtiga aheyd ku geeriyooday wadanka koofur afrika.

Gudoomiyaha hay’adda oo aan qadka taleefanka kula hadalnay ayaa sheegay in geeridii ku timid marxuum cabdi caziiz yuusuf roorow ay aad uga xanuunsadeen lana qeeybsanaayaan murugada iyo tiiraanyada dhamaan reer roorow iyo qaraabadiisa oo dhan, waxaa uuna hadalkiisa ku daray in marxuumku uu kamid ahaa samafaleyaasha kafaala qaadi jiray caruurta agoonta ah oo ay hay’addu gacanta ku heyso, wuxuuna ilaahey uga baryay in uu janatul firdowa ka waraabiyo caruurtii iyo ehaladii uu ka tagayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo.

Sidoo kale agaasimaha hay’adda, macallimiinta iyo caruurta agoonta ah ee dhigata iskuulka agoonta oo ay hay’adda Al-mustaqiim gacanta ku heyso ayaa si wadajir ah ugu duceeyay marxuum samafale cabdi caziiz yuusuf roorow waxeeyna alle uga baryeen in janadi uu ka waraabiyo qabrigiisana uu waasac ka dhigo eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo imaan uu ka siiyo.

ISHA Allmareeg.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.