Monday, January 21, 2019

Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u soo xirtay 280 Macalin

0
Friday January 04, 2019 - 17:15:21 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u soo xirtay 280 Macalin

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xarunta jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nambar afar tababar ugu soo xiray macalimiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xarunta jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nambar afar tababar ugu soo xiray macalimiin wax ka dhiga iskuullada dowladda ee gobolka Banaadir.

Tababarkan ayaa socday muddo 15 maalmood ah iyadoo tababarkan kor loogu qaadayay aqoonta macalimiinta wax ka dhiga iskuullada dowladda, sidoo kale waxaa tababarkan lagu baranayay cashir ku saabsan qaabka loo dhigayo manhajka cusub ee dhawaan ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

In ka badan 280 macalin oo kala socota gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa ka qeyb galay tababarkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in macalinka uu muhiim u yahay dalka, sidaas darteed ahmiyad gaar ah la siinayo sidii kor loogu qaadi laha aqoontiisa.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macaliminta Soomaaliyeed si loo soo saaro dhalin aqoon leh oo dalka anfacda.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta Soomaaliyeed, si loo helo dhalin dadka anfacda.

 ISha Sonna


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.