Monday, January 21, 2019

WARBIXIN KU SAABSAN MU'TAMARKII 3-AAD EE BERGEN MOSKE OO SI HABSAMI AH USOO GABAGABOOBEY.

0
Monday December 31, 2018 - 23:18:24 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN KU SAABSAN MU'TAMARKII 3-AAD EE BERGEN MOSKE OO SI HABSAMI AH USOO GABAGABOOBEY.

    Mu'tamarka Bergen Moske oo ah mid sanadla ah isla markaana soconayay laba maalmood (29-30-ka December-2018) ayaa caawa si rasmi ah ugu soo gabagaboobmay Slettebaken Skole magaalada Bergen caasimada labaad ee dalka Norway.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'tamarka Bergen Moske oo ah mid sanadla ah isla markaana soconayay laba maalmood (29-30-ka December-2018) ayaa caawa si rasmi ah ugu soo gabagaboobmay Slettebaken Skole magaalada Bergen caasimada labaad ee dalka Norway.
Waxaa maalinimadii Sabtidii 29/12/2018 magaalada Bergen ee dalka Norway ka bilowday mu’tamarkii 3-aad kaasoo sanadkiiba mar la qabto isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Mahad Godane oo ahaa Masuulka masjidka matalayay, Bishaaro oo iyadu dhinaca haweenka qaabilsan, garab istaag buuxana ay ka heleen Guddiga qaban qaabada oo u badnaa dhalinyaro is-xilqaantay, halka maamulka Masaajidka Bergen Moske agaasinka Mu’tamarka uu isagu lahaa, ayaa lagu qabtay Slettebaken Skole, kaasoo socday laba maalmood. Mu’tamarkan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada, gaar ahaan Odayaasha, Haweenka, Carruurta iyo dhalinyarada, Waxaa hadal kooban oo furitaan iyo soo dhaweyn isugu jira ku daahfuray Sheekh Khassim Mohamed Adan oo ahaa Xirriiriyihii Mu’tamarka, isla markaana bulshada magaalada Bergen si wadajir ah ugu soo qeyb galeen. Sheekh Khassim waxa uu Soomaalida magaalada Bergen iyo nawaaxigeeda dagan ku booriyey in labada maalmood ee Mu’tamarka socdo ay ka faa’iidaystaan cilmiga sharciga ah oo anfaca adduun iyo aakhiro wuxuuna halkaas ka akhriyey jadwalka Mu’tamarka oo ay marti qaas ah dhammaadka sanadkan ku ahaayeen Sheekh Almis Sheekh Yaxye, Sheekh Axmed Jawhar iyo Marwadiisa qaaliga ah Ust: Hibo Cumar oo iyagu ah qoyska Jacaylka oo ay waqti ku bixiyeen si ay Ummadda ugaga faa’iideeyaan. Furitaankii Mutamarka kaddib waxaa muxaadaradii ugu horeysay aadna u qiimo badneed soo jeediyey Sheekh Almis Sheekh Yaxye oo ka yimid magaalada Hargeysa, waxa uuna si aad ah ugu dheeraaday ahmiyada mu’tamarka. Sheekh Almis Sheekh Yaxye intii Mutamarka uu socday waxa uu dhalinyarada ku booriyey inay hormuudka bulshada noqdaan, maadaama nolosha dhalinyaranimada ay tahay qeybta ugu qaalisan uguna muhiimsan nolosha, haddii ay ahaan lahayd in qofka horumar shaqsi uu gaaro iyo waliba mid guud ahaaneed oo uu bulshada u qaban karo. Kaddib waxaa Muxaadaro ciwaankeedu ahaa "ASTAAMAHA QOYSKA GUULEYSTAY” iyo muxaadarooyin kaleeto oo dhammaan quseeyay arrimaha Qoyska iyo Jacaylka soo jeediyey Sheekh Axmed Jowhar iyo Marwadiisa Ust: Hibo Cumar, oo iyagu ah dad u ololeeya Jacaylka, Guurka wanaagsan iyo wanaajinta xirriirka Qoyska oo ka qeyb galka Mu’tamarkii saddexaad Bergen Moske uga yimaadeen magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, iyagoo aad u lafa guray arrimaha Qoyska iyo sida lagu heli karo qoys Wanaagsan, Faraxsan, is-jecel, Qalbiyadoodana mid ah, waxyaabaha keena bur-burka qoyska, sida looga hortagi karo iyo arrimaha ay tahay in la iska ilaaliyo, taasoo ay wax badan ka faa’iideen qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen ee dalka Norway. Sheekh Abdiladif Abdilahi Ahmed oo ah iimaamka Masjidka Bergen Moske waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ee reer Bergen ku amaanay doorkii ay ka qaateen qabsoomida Mu’tamarkii Saddexaad, isagoo ku booriyey in ay qaataan dhaxalka Rasuulka oo ay wax ka qaataan cilmiga ka baxay Mu’tamarka, waxaana uu khayr fara badan ugu duceeyey ka soo qayb galayaasha Mu’tamarka iyo Culumadii lagu casuumay ee ka kala yimid dalal kala duwan. Dadkii ka qeyb galay ayaa Mu’tamarka sanadkan u arkeen inay ka heleen faa’iidooyin fara badan oo markii hore ka maqnaa, isla markaana wax badan oo daruus ah ka kororsadeen, muxaadarooyinkii qiimaha badnaa ee ay jeediyeen Culumaa’udiinka kor ku xusan kalmadahoodana ay mideeyeen. Dhammaadkii mu’tamarka waxaa culumadii muxaadarooyinka jeediyey ay guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu duceeyeen kheyr farabadan, gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bergen iyo nawaaxigeeda oo ay ku tilmaameen intii ay Mu’tamaro noocaan oo kale ka qeyb galayeen magaaladii ugu horeysay oo ay sawir noocaan oo kale ah ka arkeen taasoo ay ula jeedeen sida is-xilqaanka iyo ka soo qeybgalka mu’tamarka intii uu socday, waxaana markaas Mu’tamarkii socday maalintii labaad uu kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo farxad iyo reyn-reyn aad u sareysay ay ka muuqatay.


Waxaa diyaariyay Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey). 

Bergen-Norway.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.