Monday, May 20, 2019

Fankii Soomaalida Oo La Fool-xumeeyay!!

0
Tuesday April 10, 2018 - 12:12:12 in Maqaallo by Radio Maanta
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fankii Soomaalida Oo La Fool-xumeeyay!!

    Waxaa Maalmahaan soo baxay fanaaniin Soomaaliyeed oo iyagoo magac raadis ah soo duubaya muuqaalo dhaqankeena iyo Diinteena suuban wax u dhimaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalmahaan soo baxay fanaaniin Soomaaliyeed oo iyagoo magac raadis ah soo duubaya muuqaalo dhaqankeena iyo Diinteena suuban wax u dhimaya.
Fanaaniintaan xumaanta faafinaya ayaa taageero ka helaya Cabdi Good oo ah Nin Soomaali ah oo ku nool dalka UK kaasoo Bulshada u muujiya xumaanta ay samaynayaan.

Bulshadda Soomaaliyeed ayaa aad u taageera Fanaaniintii hore,waxaana ay u duceeyaan kooda geeryooda,halka kuwa hada jirana la habaaro iyagoon wali la baran oo cusub.

Soomaali badan oo is ticmaasha Facebook,Twitter,Whatssapp iyo Youtube ayaa iyagoo cambaaraynaya soo bandhiga,balse ma oga iney faafinayaan oo dhiira-gelin u tahay kuwa samaynaya.


Abwaanada iyo Fanaaniinta Sharafta leh ee Soomaaliyeed,waxaan ka codsanayaa iney u is taagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kuwa ku dheelaya Sharafta Fanka.

Ugu dambayntii Umadda Sooomaaliyeed ee 100% Muslimka ah,waxaan ka codsanaynaa inaan la faafin dhaqan-xumada ay soo bandhigayaan kuwa Fanka duleeyay.

Waxaa Qoray: Saciid Nadaara


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.