Ciidamada Dowladda oo joojiyay shir ay Muqdisho ku lahaayeen Weriyeyaal ka horjeeda sharciga Saxaafadda

KM44

Shalay gelinkii dambe Hotelka Muqdisho ee ku yaala isgoyska Km4 waxaa isku gadaamay ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo hakiyay shir ay halkaasi ku lahaayeen Weriyeyaalka horjeeda sharciga Saxaafadda ay ka soo saartay Dowladda iyo kulamada madaxda Dowladda ay la yeesheen Bahda Warbaahinta.

Ciidamada Nabad sugidda Dowladda ayaa Hotelka ka kaxeystay milkiilaha Hotelka Muqdisho, iyagoona ula dhaqaaqay xarunta hay’adda Nabad Sugidda ku leedahay agagaarka xarunta Gaadiidka, halkaasi oo lagu weydiiyay su’aalo.

Qaar ka mid ah Weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho ayaa iyagu bilaabay olole ay uga horjeedaan meel marinta sharciga Saxaafadda, iyagoo ka biyo diidan kulamada is daba jooga ah ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha la yeelanayaan Weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Ololahaan oo ay hormuud ka yihiin Weriyeyaal ka howlgala mid ka mid ah idaacadaha qas wadayaasha Soomaaliya ayaa iyagu shalay isku abaabulay inay boorka ka soo jafaan weriyeyaal cabsi darteed iska joojiyay inay Muqdisho ka sii shaqeeyaan, kuwo ku hungoobay tahriib ay u aadeen wadamada Afrika iyo qaar kale oo gabay howlihii warbaahineed ee ay hayeen.

Dhinaca kale mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa shabakadaan u sheegay inay ku raad joogaan dhammaanba weriyeyaasha iyo shaqsiyaadka hor boodaya shirarka lagu aflagaadeynayo Dowladda iyo madaxdeeda sarsare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*