Al-Shabaab oo qiratay inay Baraawe ku dishay laba ka tirsan horjoogayaasheeda (Dhageyso)

Al Shabaab soldiers patrol in formation along the streets of Dayniile district in Southern Mogadishu

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgallo uu sheegay inay ku qaadeen rag iyaga ka tirsanaa oo waday inay kala dhantaalaan midnimada ururka Al-Shabaab.

Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo u waramayay warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sheegay in laba horjooge oo ka Al-Shabaab ka tirsanaa la khaarajiyay kaddib markii sida uu sheegay ay isku dayeen inay dagaalamaan.
“Anagu ma dooneynin inaan dilno raggaas, kaliya waxaan rabnay in la soo qabto, hase yeeshee way dagaalameen xabadihii la is dhaafsanayay ayayna ku geeriyoodeen” ayuu yiri Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo sheegay dhinaca kale inay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Afhayeenka ayaa ka soo sheekeeyay bilowgii halganka iyo soo if bixii ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay mujaahidiintu beyco kala galeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in maanta ay soo baxeen rag doonaya inay kala dhantaan midnimada ururka Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay iyagu u istaagayaan sidii loo difaaci lahaa midnimadaas.

“Anagu waxaan u difaaceynaa midnimadeena sida aan cadawga u difaacno” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay dhinaca kale inay ku raad joogaan rag kale oo uu sheegay inay ka shaqeynayaan howlo ay ku kala dhantaalayaan midnimada ururka Al-Shabaab.

(Dhageyso)

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*