Ciddaad doontaan ciirsadee, dagaal caawa ku dhawaaqa =Gabay=

GABAY

Gabay Jawaaba: Ciddaad doonto ciirsee dagaal – Caawa ku dhawaaqa:-Nin caytamay caqliga baa nusoo Ceebi uma laabna-Warninyohow ciddaad sheegataan Laga cabsooneyne -adoo ciidan gaamurey lehbaa- Dumar ku ceyrsheene
Gabay wuxuu Jawaab u yahay ninkii soo tirshay Guuroowgii Caayda iyo Calaacalka ee Abwaan hebelkaa Mantaan.
Caal waayga waa taad eheyd
Deyrtii lagu ciilay
Adoo cagacad waataad baxdoo
Caato socon waayey
Waataad cadowgii soomaaliyeed
Aad u carareysey
Cajalkii lagaa duubay baa
Caawa lahayaaye
Waadigii cagaha dhiigayoo
Dhuudhi ku cunaayey
War ceebtaada waatey arkeen
Caalamkoo idile
War soomaali calankeedu
Waa cirkoo kale
Cadkaagii adaa qaatayoo
Diidey cududiiye
Ceyriina adigaa ku leqay
Ceyshkii badankiiye
Wax caloosha kuu buuxikara
Ciid ayaa jira e
Sidii cadow ayaan kaaga dhicin
Waana kaaceline
Cudud iyo awoodaada keen
Ciidanka aad heyso
Hadiikale cayaar baad waddaa
Hadal carruureede
Nin caytamay caqliga baa nusoo
Ceebi uma laabna
Warninyohow ciddaad sheegataan
Laga cabsooneyne
adoo ciidan gaamurey lehbaa
Dumar ku ceyrsheene
Codadkaagiibaa duuban iyo
Ceebahaad tiriye
Cunto ruux ay qaadaad tohoo
Caada qaataahe
Cad laqaato maadlihid haddana
Ceyr ayaad tahaye
Daaroodka aad ciirsanee
Waad ku caasidaye
Eyekaad cadaawe u tahay
Wey ku cunayaane
Xaggeed caga dhigeysaa ninyohow
Carabku weynaadey.
Cayr iyo adaa sheegay iyo
Cudud ilaaheye
Cabsiiyiyo adaa taabtay iyo
Reer ciyowgiiye
Ceydiid adaan dhaafin iyo
Culumo diineede
Ceelgaabya cabudwaaq adaa
Caayey duhurkiiye
Colkaad sheegtay soo kici haddii
Cidi cabsooneydo.
Cududdii amxaarana uyeer
Kuwii kuu cideyjireba
Ciddaad doonto ciirsee dagaal
Caawa ku dhawaaqa.
War soomaali caan bey katahay
Caado xumidaadu
Ninwalaalki ceyriyey miyaa
Cidina soo aadi
Culimadii adaa iibsadoo
Diintii caasiyeye
Ciriiriga kolkii lagu gelshey
Miyaad isciil kaambin
Kuwaad cadowga siineysey miyaad
Maanta u cataawi.
Codkaagaa murtida lagu tirshaa
Lagu caddeeyaaye
Ceyn uu nin leeyahay maxaad
Siiqda uga ceyday
Hadii aadan codkaba keeni Karin
Cabirka suugaanta
Cajaladda warkaad geliseybaa
Kuugu filan ceebe
Madhurwaa ciyaa ruuxa kani
Waa calaacalaye
War hoy ciil bax caawaba haad
Ciidan kicineyso
Oomarkale ha ciilkaam binin
Rag waa kaan calaacaline.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*