EU-da, Ruushka iyo Maraykanka oo eedeynmo is-dhaafsaday

Russia raps EU decision on arming Syria militants

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in cunaqabateynta hubka ee laga qaaday kooxaha mucaaridka ee Siiriya ay tahay baasiin lagu lagu sii shubayo dabka ka holcaya Siiriya.

Dowlada Ruushka ayaa dhaliilweyn usoo jeedisay Midowga Yurub kadib go’aankoodii ay ku qaadeen cunaqabateynta hubka ee saaran Siiriya.

Dowlada Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay inay dhawaan Gantaalada lidka diyaaradaha ee S300 ka gadi doonto dowlada Siiriya, si ay isaga difaacdo weeraro dibada uga imaankara dalka Siiriya.

Sergei Ryabkov oo ah kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka ayaa sheegay in hubka ay siin doonaan Siiriya uu noqon doono mid isu dheeli tira awooda dhinacyada Siiriya.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa dhanaciisana dhaliilay go’aanka Ruushka ee gantaalada uu ka gadayo xukuumada Bashaar Al Assad tilaabadaasi oo uu ku sheegay mid dib u dhac ku keenaya xal laga gaaro dagaalka Siiriya.

Isra’iil oo iyadu horey duqeymo dhanka cirka ah u geysatay wadanka Siiriya ayaa walaac weyn ka qabta gantaaladan casriga ah ee Ruushka siinayo Siiriya. Isra’iil ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto hadii amnigeeda khatar la geliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*