warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Jubada Dhexe

Wararka ka imanaya  gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen degmada Jilib, halkaasi oo ay maamusho xakarada Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in weerarka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay burburiyeen xarun lahayd idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Andulus.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale sheegay in duqaynta lagu beegsaday Saldhig ay xarakada  Al-Shabaab ku leedahay Jilib, islamarkaana dil iyo dhaawac loogu geystay xubno ka tirsan Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*