Yeysan dantiisu ku jirin isu soo dhawaanshaha geeska Afrika?

Beryahan waxaa aad loo hadal hayey isu soo dhawaanshaha madaxda gobolka geeska Afrika, iyo suurtogalnimada in hal hogaan ay yeeshaan mustaqbalka dalalka gobolka.

Waxaan hore wax uga qornay sida ay macquul u tahay. Qormadanna waxaan ku eegaynaa dhinacyada “aysan dantu ugu jirin” in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay hal hogaan yeeshaan.

Jabuuti

Dhinac marka laga eego siyaasadda hadda socota ee ay aadka isugu dhow yihiin hogaamiyeyaasha seddexda waddan, waxaan qayb ka ahayn waddanka Jabuuti.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna khilaaf kala dhaxeeyaa Eritrea oo hadda loo fadhiyo in laga qaado cunaqabatayntii saarnayd muddada ku dhow tobanka sano.

Waxay tirsanaysay in arrimaha Soomaaliya lagu tixgalin doono, waxna laga weydiin doono.

Waxay kaloo ka filaysay Soomaaliya in ay kala tashato wixii go’aan ah ee ay ka qaadanayso arrimaha mandiqadda iyo isbeddellada socda.

Labadaba waxay u muuqdaan in aysan dhicin.

Gaar ahaan tan dambe waxay ka caraysiisay Jabuuti oo caradeeda si ficil ah u muujisay ka dib markii ay safiirkeeda Soomaaliya ka fadhiya u yeeratay.

“Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, ‘Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo’, laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay” ayuu yiri safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay.

Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Jabuuti, waddooyin diblomaasiyadeedna loo maray in la dhayo dhaawaca soo gaaray xiriirka labada dawladood, misna weli ma cadda heerka lagu tilmaami karo inuu maanta joogo xiriirkaas.

Maamul goboleedyada Soomaaliya

Xukuumadihii Itoobiya ka jirtay ka hor Abriil 2018 waxay ahaayeen kuwo aad u taageeri jiray maamullada gobollada Soomaaliya.

Dhanka kale marka laga eegana, xukuumadahaas ka jiray Itoobiya waxaa la sheegaa in aysan marnaba xiriir wanaagsan la lahayn xukuumadihii dhexe ee Soomaaliya.

Shaafici Shariif Maxamed oo ah cilmi baare jooga Muqdisho wuxuu qabaa in taas bil cagsigeeda ay arrintu tahay iminka.

“Waxaa isa soo guraya fursadihii maamul goboleedyada uga furnaa dhanka Itoobiya, waxaana soo xirmaya albaabadii gorgortanka” ayuu yiri Shaafici.

Somaliland

Wuxuu intaa ku daray Dr Shaafici in jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ay kaba sii daran tahay maamullada federaalka ee ku hungoobay Itoobiya.

“Rajadii ay Somaliland ka lahayd in aqoonsi ay hesho ceel ayey ku sii dhacday, waana tii uu Faysal Cali Waraabe lahaa ‘albaabadii oo dhan way naga soo xirmeen. Xataa Itoobiya nama aysan aqoonsan innagoo bad siinnay’. Si haddii loo fiiriyo waxay fududaynaysaa arrintaas wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Shaafici.

Isbeddellada gobolka ka socda ayaa dadka wax indha indheeya waxay u arkaan inay yihiin kuwo aan la saadaalin karin, laakin “haddii Jabuuti ay ku qanci weydo qaabka ay hadda wax u socdaan, ee ah is xulafaysiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaa suurtogal noqonaysa inay soo dhoweysato Somaliland oo ay gashato booskii Soomaaliya” ayuu yiri Shaafici.

Xigasho Bbc 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*