Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u hishiisiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saartay doorashada maamulka k/galbeed taasoo is qabqabsi ween ka dhax taagan ka dib markii ay is casileen gudiga doorashada maamulkaas.

 

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaarda arimaha gudaha oo lagu daabacay wakaalada wararka ee sona ayaa lagu faray madaxda maamulka k/galbeed in doorshada waqtigayda la qabto taas oo ku beegan 17-11-2018  war saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan

 

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here