DEG DEG:Dagaal Xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya Isgooska Ex.Balcad ee degmada Hilwaa ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISO. lagu qaaday weerar ku bilawday Qarax.

Dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan Isgooska Ex.Balcad lana hadlay Idaacada Maanta ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kadib Salaadii Subax lagu qaaday weerar kaasi uu ku bilawday Qarax, waxayna sidookale sheegen goobjoogayaasha in uu  xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Kooxo hubeysan iyo Ciidamadii ka tirsana AMISOM ee halkaasi marayay.

Ilaa iyo hada lama shaacin qasaare ka dhashay Qaraxa iyo weerarka tooska ah ee lagu qaday Ciidamada AMISOM waxaana hawlgalo lagu baadi goobayo kooxahii ka danbeyay weerarka ay ka socdaan xaafadaha ka ag dhow dhow Isgooska Ex. Balcad hawlgaladaasi oo ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada iyo Ciidamadii weerarka lagu qaaday ee ka tirsana AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*