Brazili oo laga dalbaday in ay ka laabato go’aanka Safaaradeeda Tel Aviv ay ku geeneyso Qudus

Jaamacadda carabta ayaa shalay oo Jimco aheyd ku baaqday in Madaxweynaha la doortay ee dalka Brazili Jair Bolsonaro uu dib uga laabto go’aanka Safaaaradda dalkasi ee Israel loogu rarayo Qudus.

Hadal uu baahiyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul-Gheit ayaa lagu sheegay in Brazil ay tahay wadan sumcad leh oo xurmeeya Qaanuunka Caalamiga ah,isla markaana xiriir wanaagsan la leh  dalalka Carabta.

Madaxweynaha cusub ee Brazil  Bolsonaro ayaa maalinimadii \khamiista shaaca ka qaaday in uu damacsan yahay in Safaaradda dalkaasi ee ku taalla magaalada Tel Aviv in uu u raro magaalada Qudus ee reer  Falastiin..

Bishii December ee sanadkii hore  Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Safaaradii uu ku lahaa Tel viv uu u rarayo Qudus,isla markaana caasimadda Yuhuudda uu u aqoonsan yahay magaaladaasi.

Illaa hadda Maamulka Falastiin ee ku sugan magaalada Ramallah ayaa mamnuucay ama ka horjeeda in Mareykanka ay door ku yeeshaan wadahadalada nabadeed ee Bariga |Dhexe,maadaama loo arko in uu u eexday dhinaca Yuhuudda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*