Faah faahin:Labo qof oo lagu dhaawacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labo qof oo lagu dhaawacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Maanta ee Magaalada Muqdisho ayaa usheegay in labo qof lagu dhaawacay meel aan sidaasi kaga fogeen saldhgiga degmada Wadajir.

Sidookale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada qof ay ahaayen askar ka tirsan ciidamada dowlada oo xiliga la dhaawacayay saarnaa Mooto Bajaaj.

Ragii ka danbeeyay dhaawaca labadaan qof oo ku hubeysnaa baskoolada ayaa la sheegaya inay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga ayaa gaaray halka lagu dhaawacay labada ruux, waxayna ka samaeyen baaritaano ay ku baadi goobayan shaqsiyaadkii ka danbeeyay falka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*