Wasiirka Maaliyadda XFs oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada London

Dr, C/raxmaan Ducaale BeyleWasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya , oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dr, Bayle ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay Dawladda Soomaaliya, waxaana uu kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada Dalka.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Dalka Ingiriiska waxa uu Khubado ka jeediyey jaamacadda Oxford iyo Machadka Chatem House ee Magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka iyo guulihii laga gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*