Dhageyso:Shirka Golaha Iskaashika Dowlada Goboleedyadda oo Maanta ka furmaya Garowe

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda dalka ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Putland.

Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay gaaray Magaalada Garowe waxaana maanta halkaasi ka furmaya shir ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda Dalka.

Shirkan aya sida qorahsaha ahaa  waxaa lagu waday inuu furmo shalay balse shirkaasi ayaa baaqday,kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Putland ay xirteen qeyb ka mid ah Magaalkada Garowe.

Maamulka Putland ayaa sheegay inuu sharciga horkeeni doono ciidamadii isku day inay baajiyaan  Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda dalka,sidookale waxaa la xir xiray dhaman ciidamadii foodada ka sameyay Magaalada Garowe.

Dhanka kale Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda ayaa ka hadlay dooerashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud taasi oo lagu doortay Madaxweynaha Galmuudg, waxayna sheegen in Madaxweynaha sharciga ah uu yahay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sidookale Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya aye waxy ku eedeeyen inay wado burburinta Maamulka Galmuudg, iy

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*