Dowlada Soomaaliya oo uga tacsiyadeeday Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab oo dhawaan ku geeriyoodayt Isbitaal malatari.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal, ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Safaaradda, Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*