Wiil Dhalinyaro Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

wararka aynu ka heleyno degmada xamar jajab ayaa sheegaya in ruux shacab ah lagu dilay degmadaasi.

kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa wiil dhalinyaro ku dilay suuqa Ansalooti ee degmada xamar jajab.

wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 17 sano jir waxa uu qeyb ka ahaa dadka ku nool degmadaasi.

ninka dilay wiilka dhaliyarada ahaa ayaa dilka kadib goobta iskaga baxsaday iyadoo ilaa iyo haatan aanan la ogeen sababta ka danbeysa dilka wiilkaasi.

ciidamada amaanka ee degmada xamar jajab ayaa dilka kadib goobta soogaaray iyagoo baaritaano ay ku baadi goobayaan raggi dilay wiilkaasi.

maamulka degmada xamar jajab ayaa sheegay in aan la ogolaan karin in amaanka degmada uu faraha ka baxo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*