NISA oo Shaacisay inay gacanta ku dhigeen Sargaal ka tirsan Al-shabaab

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Al-Shabaab oo  u qaabilsanaa dhanka sahanka, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada.

“Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay Hay’ada NISA ayaa barta ay Twitter-ka ku leedahay ku soo daabacesay qoraalo kuwaasi oo lagu shaacinyay in gacanta lagu soo dhigay rag ka tirsan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*