Dhageyso; Xildhibaanad Fowsiya Oo Iska Fogeysay Eedaha Ah Iney Si Bareer Ah Ay U Dhaceyso Guri Ku Yaala Degmada Shangaani

Xildhibaanad Foowsiya Yuusuf xaaaji aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka soomaaliya ayaaa Radio Maanta u sheegtay in aanu jirin guri ku yaala Degmada Shangaani oo ay dooneeyso in ay xoog ku qaadato.

Wareeysi ay siisay Idaacadda Maanta Ee Magaalada Muqdisho ayeey sidoo kale ku cadeeysay in guriga ku yaalla Shangaani Ee muranka dhaliyay in uu yahay dhul-dowladeed oo uusan aheeyn dhul shaqsi leeyahay.

Waxa ay sidoo kale tixaabday xildhibaana fowsiya in hay’ada dambi barista ee CID iney wado baaritaano la xirira cida sida sharciga u leh mulkiyada guriga haatan muran kiisa uu taagan yahay.

Geesta kale waxa ay carabka ku dhufatay in guriga uu yahay mid asal ahaan ay leeyihiin ciidanka xogga dalka wallow sida ay sheegtay dowladdii kacaanka ay iyadu ku wareejisay gurigaasi.

Sikastaba ha ahaatee hadalka xildhibaanad fowsiya ayaa kusoo beegmaya xilli xildhibaanada lagu soo eedeeyay iney si barer ah u dhaceyso guri ku yaala degmada shangaani.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*