Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay Iney Ka Qeeyb Qaadan Doonto Latacaalida Dhawacyadii Baydhabo

Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii caafimaad deg deg ah ay u heli lahayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo xaaladood aad u liidatay la keenay Muqdisho, isla markaana haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kula socon doonaan xaaladooda caafimaad, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dalka ee ahaa in Xukuumaddu ay si deg deg ah ugu gurmato dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee qaraxyada magaalada Baydhabo wax kasoo gaareen.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaanno oo dhawaan gaaray Baydhabo ayaa kaalmo daawo ah gaarsiiyay Baydhabo, iyagoo sidoo kale Muqdisho u soo qaaday dhaawacyada culus ee ku jiray Isbitaalka Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*