Iyadoo dhawaan degmada wala-weeyn lagu dilay wadaad can ka ahaa degmadaasi ayaa waxaa isi sootaraya codsiya ehelada wadaadka oo dowladda soomaaliya ka codsadanaya inuu cadaalada helo marxuumkii la dilay.

Dilka wadaadka ayaa la sheegay iney ka danbeeyeen ciidanka dowladda soomaaliya kuwaasi oo ku sugan gobolka sh/hoose gaar’ahaan degamada wala-weeyn.

Cumar c/qaadir oo kamid ah ehelada marxuumka ay dileen ciidamada dowladda soomaaliya ayaa madaxda dalka ka codsaday in caruurta uu ka tagay marxuum macalin nuur ay heleen cadaalada dilka aabahood.

Cumar c/qaadir ayaa sidoo kale waxa uu dowladda soomaaliya ka codsaday iney cadeyso sababta ka danbeysay dilka marxuum macalin nuur oo lagu dilay degmada wala-weeyn.

Sikastaba ha ahaatee hadalka cumar c/qaadir ayaa imaanaya xilli dhawaan degmada wala-weeyn ee gobolka sh/hoose ay ciidamo katirsan dowladda soomaaliya ay ku dileen marxuum macalin nuur oo ahaa wadaad caanka ahaa wala-weeyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here