Degmada Balanbale 20 Ruux Oo Ku Sumooday Hilib Ay Cuneen

Dad ku sumoobay Hilib ay cuneen, deegaan ka tirsan Galgaduud.

Wararka ka imaanaya Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in 20 ruux ay ku sumooben Hilib ay cuneen degaano hoostaga Degmadaasi.

Dadka sumoobay ayaa waxa ay ku nool yihiin deegaanka Haraare oo ku yaalla duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Balanbale ayaa Sheegay in   dadkaasi ay ku sumoobeen Neef Geel ah oo ay qasheen,isla markaana la geeyey Isbitaalo ku kala yaala degmooyinka Balanbale iyo Guriceel  oo dhamaantoioda kawada tirsan  Gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dadk ku sumooway degmada balanbale.

Maalmihii ugu danbeyay qeybo kamid  gobolada dalka ayaa waxaa jiray dad u geeriyooday sun ay siyaabo kala duwan ay u isticmaaleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*