Dhageyso; Muqtaar Rooboow Oo Ugu Baaqay Gudoonka Baarlamaanka Koofur galbeed In Uu Si Deg Deg Ah Ku Soo Magacaabo Gudiga Doorashada Maamulka Koofur Galbeed

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xilligaan ka mid ah musharixiinta doorashada Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed oo dhawaan ka dhaceysa Magalada Baydhabo ayaa weli waxa uu wadaa olo lihiisa doorashada.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayuu shalay kulan qado ah u sameeyey,waxaana uu walaac ka muujiyay in aan weli la dhisin guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

muqtaar oobow ayaa ugu qaabay baaqay gudoonka barlaamaanka in si dag dag ah loo dhiso gudiga dooroshooyinka koonfur galbeed soomaaliya si aysan dib uga dhicin doorashada xiligeeda.

sikastaba ha ahaatee hadalka muqtaar roobow ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada baydhabo uu ka socdo loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya musharixiinta madaxtinimo ee koonfur galbeed soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*