Wasiirka Duulista iyo hawada Xukumada Fedaraalka ee Soomaaliya Maxmed Cabdullahi Omaar ayaa sheegay in Diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ee usocda dalka keyna ay hada kadib sitoos ah uga dagi karaan garoomada Diyaaradaha ee ku yaalla Magaalada Niarobi ee Caasimada dalka Kenya.

Wasiir Omaar ayaa bartiisa Facebook qoral uu soo dhigay waxaa uu ku sheegay in Wasaaradiisa ay ku guuleesatay inay ufududeyso Diyaaradaha kabaxa gudaha dalka ee ku wajahan Magaalada Niarobi inay si toosa uga dagi karaan garoomaha Diyaaradaha ee ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya.

 

Diyaaradaha kabaxa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ee ku wajahan magaalada Niarobi ayaa horay usii mari jiray magaalada Wajeer, waxaana dhibaato xoogan ku qabay mas’uuliyiinta dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo waqti badan kaga lumi jiray Wajeer.

Dowladii tan ka horeesay ee uu hogaaminayay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hishiis ku aadan sidii loogu fasixi lahaa Diyaaradaha inay toos kaga dagaan magaalada Niarobi waxaa uu la galay dowlada Kenya, iyadoona dhaqan galinteyda ay ku guuleestay Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here