Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhimatay shil bas oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Kisumu ee dhanka galbeed ku taalla, baska ayaana waddada ka baxay sida ay booliisku sheegeen.

Dad badan ayaa la sheegay in ay dhinteen markii uu basku dhinaca kale isu gadiyay, booliiskuna waxay ka cabsi qabaan in dhimashadu ay intaas ka sii badan doonto, iyadoo ay macquul tahay in ay dad ku hoos xanibmeen burburka baska.

“Qaybtii sare oo baska ayaa go’day” sida uu sheegay qof booliiska u hadlay.

Booliiska ayaa sheegay in darawalku uu xakamayn waayay gaariga.

Baska waxaa saarnaa 52 ruux marka uu shilku dhacayay saacadihii hore ee Arbacada, sida ay booliisku sheegeen.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkeed ayaa sheegaysa in dadka geeridooda la xaqiijiyay ay 42 ruux yihiin.

Idaacadda Midnimo ee dalka Kenya laga leeyahay ayaa Twitterka soo dhigtay gaariga oo si xun u gadoomay burbur xunna uu ka muuqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here