Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa waxuu raaligalin ka bixiyay hadal dhawaan uu ka hor sheegay Golaha Shacabka oo ay ka caroodeen shacabka ku hadla af Mayga.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadiray Xidlhibaano gaaraya  156 Xildhibaan, ajandaha kulanka maanta ayaa ah Xisaab xirka dowladda ee 2017, waxaana haaatan soo socota qudbadaha ay jeedinayaan Xildhibaanada.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa wasiiru dowlada Maaliyada uu sheegay inuu raali galin ka baxsho hadal uu dhawaan ka hor sheegay Xildhibaanada oo ahaa inuusan fahmin af Mayga kadib markii uu xildhibaan s’uaal ku weediiyay af Maay.

Wasiiru dowlaha ayaa Xildhibaanada hortooda ka raaligaliyay Shacabka ku hadla afmaayga isagoona xusay in sikale loo fasirtay hadalkii uuu dhahay ee ahaa inuusan fahmin af Maayga.

Fanax oo ahaa Xildhibaankii uu hadalkaas ku dhahay Wasiiru dowlaha Maaliyada ayaa aqbalay raaligalinta uu bixiyay wasiiru dowlaha.

Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raaligalin ka bixiyay jawaab uu dhawaan bixiyay oo ay ka caroodeen Shacabka “May-ga”.

Maanta kulanka golaha shacabka waxaa jooga 156 Xildhibaan, ajendaha waa xisaab xirka dowladda ee 2017.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyntii wasiir dowlihii maaliyada u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay.

Waxaa uu sheegay in hadalkiisa si kale loo fasirtay,islamarkaana uu raalin  buuxda uu siinaayo Shacabka ku hadla Lahjadda mayga ka dib markii Su’aal lagu weydiiyay Wasiirka uu sheegay in uusan fahmeyn Lahjadda meyga.

Xildhibaan maxamed fanax oo ahaa Xildhibaankii aan horay Su’aasha looga Jawaabin ayaa Aqbalay raaligelinta uu Bixiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here