Rag la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanyihiin oo xukun lagu riday

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysanaha 2—aad ee Gacal Maxamed Cali Maxamed lagu xukumay Seddax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta nabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015-kii gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1), intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu hordhac sahmin u ahaa weeraro ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday, kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid, waxa uu qiray in ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraan balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen 13-ka Bishii labaad ee sanadkan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay ka mid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad ayna wada deganaayeen hal guri sidoo kale ay lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 18/ 4 ee sanadkan.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo 1. Maxamed Cabdi Salaad Nuur 8 sano oo xabsi ciidan ah halka eedeysana 2-aad Gacal Maxamed Cali Maxamed 3 sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, balse Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karo Rafcaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*