Madaxweyne Gaas oo ka Joojiyay Kulan uu Wasiirka Qosheynta ku qabsan lahaa Magaalada Garowe

Madaxweynaha Maamulka Putland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan  Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa la sheeagy inuu joojiyay kulan uu magaalada Garowe  ku qabsan lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Gaas ayaa ku amray Saraakisha ciidamada  inay joojiyaan kulankan oo ka dhici lahaa xarunta jamaacada PSU magaalada Garowe, waxaa sidookale qorshaaha ahaa in kulankan ay qudbado ka jeediyaan wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo shalay loo doortay xubin ka tirsan xildhibaanadda Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha gudiga Doorashooyinka Madaxada banana ee Soomaaaliya Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yarey).

Wasiir Jamaal ayaa ka hadli lahaa deeqaha ay beesha Caalamka siiso Soomaaliya iyo sida lo maamulo. Sidookale Xaliimo Yarey ayaa ka hadli laheed hanaanka loo marayo doorashada lagu wad in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020ka.

Waxaa sidookale qeyb ka ahaa la taliyaha ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre oo usagana ka warbixin lahaa waxqabadka xukumadda Soomaaaliya tan iyo intii la dhisay.

Wasiir Jamaal ayaa ka codsaday Madaxweyne ku xigeenka Putland Camey in loo fasaxo kulanka balse Camey ayaa usheegay in uusan fasixi Karin.

Warar hoose oo ay heshay idaacada Maanta eemagaalada Muqdisho ayaa sheegaya in khilaafka udhaxeeya maamulka Putland iyo dowlada dhaxe dartiis kulankan looga baajiyay Wasiirka iyo xubnaha lasocoda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*