Kulankan oo looga hadlayey dar-dargelinta barashada farsamooyinka gacanta, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuuridda dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada , hidaha iyo tacliinta sare iyo Hey’adda Niis ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahano iyo marti sharaf kale,halkaasi oo la  isku weedaarsaday fikrado kala duwan iyadoo si weyn diiradda loo saaray sida ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo barashada farsamooyinka gacanta oo qeyb ka ah shaqo abuurka bulshada.

Wakiilka Hey’adda Niis oo ka shaqeysa arrimaha bulshada ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Du’ale oo ugu horeyn kulanka ka hadlay wuxuu sheegay in ujeedka ugu weyn ay tahay sidii looga shaqeyn lahaa in bulshada laga horumariyo dhinaca nolosha iyo wax soo saarka.

Sidoo kale halkaasi waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda shaqda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya oo matalayay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cadde Muqtaar,wuxuuna halkaasi ka cadeeyey in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax baratay,silooga gudbo dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ee soo wajaha.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo shirka soo xiray ayaa sheegay ineey wasaaradda ka go,antahay horumarinta farsamada gacanta.

“Waxaasarrada waxbarashada hidaha iyo Taclinta Sare waxaa ka go’an sidii loo horumarin lahaa waxbarashada bulshada,gaar ahaan farsamooyinka gacanta oo muhiim u ah shacabka,taasi oo abuuraysa fursado badan”. Ayuu yiri wasiir Faysal Cumar.

Mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ayaa wada qorsha ku aadan sidii loo qaban laha shirweyn looga hadlayo siyaasadda guud ee barnaamijka farsamada gacanta ee dalka,kaasi oo lafilayo in dhamaadka sanadkan uu ka dhoco gudaha dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here