Mareykanka Oo sheegtay Weerar ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday  Alshabaab,ka dib markii ay Al shabaab weerar ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9-dagaalyahan oo  ka tirsan Al shabaab sida lagu sheegay warka ka soo baxay Talisk Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban yahay  Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameed-sanayso dagaalyahanda iyo horjoogayaasha Alshabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*