Maamulka Hirshabeelle Oo Kasoo Horjeestay Qorshaha Balaarinta Caasimada Muqdisho

Daa’uud Xaaji Cirro Afhayeenka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa walaac ka muujiyay qorshaha ballaarinta Caasimadda Muqdisho, taasoo la doonayo in la gaarsiiyo Labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad.

“Arrinku saabsan ballaarinta Caasimadda Muqdisho iyo in lagu daro degmada Balcad waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka Hirshabeelle, waxaana cabashadaas Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare”ayuu yiri Daauud Xaaji Cirro.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii muran xuduudeed uu soo kala dhex galay Maamulka Koofur Galbeed iyo Caasimadda Muqdisho, kaddib markii maamulka Gobolka Banaadir uu burburiyay tabeelo laga taagay agagaarka deegaanka Jaziira oo muujinayay inay ka tirsan tahay Maamulka Koofur Galbeed.

sikastba ha ahaatee arrinkan ayaa imaanaya xilli gudoomiyaha gobolka banaadir eng yariisoow  uu maalin ka hor la kulmay Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada hadlay ballaarinta Caasimadda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*