taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka hiiraan ayaa waxa ay ka warbixiyeen howlgalo lagula dagaalamayo ururka al shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano hoostaga gobolkaasi hiiraan.

maamulka gobolka hiiraan ayaa maalmihii danbe waxa ay wadeen howlagalo lagu xaqiijinayo amaanka deegaanada gobolkaasi iyagoo shacabka ku nool gobolka ka dalbanayay iney la shaqeeyaan ciidanka sugaya amaanka siloo wada xaqiijiyo amaanka gobolka hiiraan.

Dhamme Carab Taliyaha amniga magaalada Beledweyne ayaa waxa uu sheegay in howlagaladaan lagu doonayo in la isugu furo magaalada Beledweyne iyo magaalada Buula-burde oo ka tirsan Hiiraan.

sikastaba ha ahaatee hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xarakada al shabaab ay weeraro dhabagal ah ay la eegteen ciidan hawlgal ka waday degaanada ku teetsan magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here