Josep Maria Bartomeu: ‘Albaabka Barcelona Marwaliba Pep Wuu U Furanyahay”

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in “albaabka mar walba kooxda uu u furanyahay” tababare Pep Guardiola inuu ku laabto kooxda ka ciyaarta horyaalka spain ee barca.

Guardiola ayaa afar sanno ku qaatay Barcelona intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2012, wuxuu kooxda ku hogaamiyay 14 koob oo ay ku jiraan labo Champions League.

“Waan ognahay inuu albaabka mar walba u furan yahay, xitaa markii uu noo sheegay inuu doonayo inuu baxo sannadkii 2012, waxaan ku talineynay inuu tababare ka noqdo La Masia, waxaana uu doorbidayaa nasasho nadiif ah, cidna uma sheegin inuu ka tago Barcelona. Waxa uu ku soo laaban karaa mustaqbalka, wuu ogyahay midaas, ayuu yiri madaxweynaha kooxda barcelona bartomeu.

Barcelona ayaa haatan ku jirta waqti aad u xun iyagoo qaadanaya xilli ciyaareed aad u murugo badan xilli majaraha kooxda uu haye ernasto valvaredo waxaan laga yaabo macalinkan reer spain in gabi ahaanba shaqada laga ceyriyo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka cusub.

maamulka sare oo kooxda barcelona ayaa doonaya iney pep ka dhigaan badalka valvarde kaasi oo haatan waqti aad u adag ku qaadanaya garoonka camp nou.

pep Guardiola ayaa waqti qurux badan horay ugu sooqaatay kooxda ka dhisan gobolka kataloniya xilli uu kooxdaasi uu isago oo ciyaartoy ah uu ku biiray sanadkii 1984 isagoo aad u dhalin yar ugu danbeey waxa uu wayihiisa ciyaartooy ee barcelona uu soo afmeeray sanadkii 2001.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*