Cabdirixmaan Cumar Cusmaan eng yariisoow oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho ayaa magaacabay Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir wuxuuna xilkaan u magaacabay mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe.

duqa muqdisho ayaa fariin adag u diray kusimaha cusub ee uu magacaabay isagoo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo danaha umada soomaaliyeed kana fogaado musuq maasuq falal la xiriira.

“Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas.”

sikastaba ha ahaatee duqa caasimada eng yariisoow ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu ka hortagi doono musuq maasuqa iyo dukumintiyada been abuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here