Manchester City Oo Dooneysa Inay La Soo Wareegto Lyon Da ‘Yarkeeda Tanguy Ndombele.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa da’yarka kooxda Lyon Tanguy Ndombele Kaasi oo xili ciyaareedkani sameynaya bandhig cajiib ah oo soo jiitay indhaha kooxaha ugu tunka weeyn qaarada yurub.

21 jirkaan, oo qeyb ka ah xulka France ee da’doodu ka hooseyso 21 jir ayaa waxa uu sameeyay afar caawin ah 13 kulan oo uu saftay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Express, tababaraha City Pep Guardiola ayaa isha ku haya inuu Xidigani usoo weeciyo dhanka garoonka ay city ay ku ciyaarto ee etihad stadium.

wiilkan khadka dhexe ka ciyaara ayaa waxaa aad ula dhacsan maamulaha city pep isagoo u arka inuu yahay badalka macquulka ah ee xidiga reer brazil fernandinho  oo laga yaabo inuu kooxda isaga tago marka uu dhamaado xagaagan.

sikastaba ha ahaatee man city ayaa tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore dooneysay xirfadle ka ciyaara khadka dhexex kaasi oo dabooli kara baahida khadka dhexe ee city ka jirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*