Nin U Dhashay Dalka Hindiya OO Walaashiis Jirdil U Geestay

Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa lagu xiray nin lagu eedeeyay inuu walaashiis muddo labo sano ah meel ku xiray uuna jir dilayay.

Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan ururka haweenka ee Delhi ayaa xoog ku galay gurigiisa waxayna gabadhaas ku soo badbaadiyeen howl gal cajiib ah oo dhacay maalintii Salaasada.

Haweeneyda dhibanaha ah oo aan magaceeda la shaacinin ayaa u muuqatay iney heysay nafaqo darro ay sababtay baahi fara badan.

Waxaa ku adkeyd iney socoto, iney hadasho ama iney aqoonsato dadka, sida ay masuuliyiinta sheegeen.

“Da’deedu waa 50 sano, laakiin waxaa loo maleynayaa iney tahay 90 sano jir,” ayay tiri Swati Maliwal oo ah madaxa ururka haweenka ee magaciisa loo soo gaabiyo DCW.

“Markii aan ka soo badbaadineynay goobtii ay ku xirneyd waxay dhex jiiftay saxaradeeda. Nafaqo darrada heysa ee ay gaajada sababtay waa mid aad u daran, oo sababtay ineysan xitaa waxba sameysan karin.”

Masuuliyiinta ururka haweenka ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii ay macluumaad ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanka ee dariska la ah guriga ay haweeneyda ku xirneyd.

Ms Maliwal ayaa sheegtay in iyada ay shakhsi ahaan ka qeyb qaadatay baaritaan lagu sameyn rabay gurigaas balse ninka walaashiis jirdilayay iyo xaaskiisa ay ka hor istaageen iney gudaha galaan.

Hase ahaatee xitaa markii ay booliska u wacdeen ayay lamaanaha guriga leh u diideen in horay dhaafaan.

Rajneesh Gupta oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa BBC-da ku yiri: “Booliska ayaa markaas ka dib ka koobay darbiga guri kale oo daris la ah si ay ugu dhacaan, waxayna arkeen haweeneyda oo ku sugneyd xaalad aad u xun.”

Isla mrkiiba waxaa la soo xiray ninka iyo xaaskiisa si loogu sameeyo baaritaan ku aaddan fal dambiyeedkaas.

Booliska ayaa sheegay in ay hadda baarayaan sababtii ay lamaanahaas jir dilka iyo ciqaabta ugu geysanayeen haweeneyda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*